arabia somali kurdi albania

MAXAA XAL AH? HALKEE SE LAGA HELI KARAA?

Waxa jira meel badan oo iska xilsaara la dagaalanka mukhadaraadka , kuwaas oo qora qoraalo badan oo ka hadlaaya arrimaha ku saabsan mukhdaraadka ama maandooriyaha . Waxa kale oo jira Finland meelo badan oo lagu daweeyo dadka nolosha ka dhacay ee noqda muminka oo luugu sameeyo dib u habeeyn. Haddii se aan wax caddi jirin ee aad ka shakisan tahay uun qofka qaabka uu u dhaqmaayo.

  • la xidhiidh kalkaaliyaha caafimaad ee dugsiga si uu ula socdo isaguna.(kouluterveydenhoitaja)
  • la xidhiidh rugta dadka maandooriyaha qaata ee loo yaqaan (A-klinikka)
  • la xidhiidh rugta dhalinyarada (nuoisoasema)
  • la xidhiidh rugta caafimaadka ee xaafadaada)

Iyo kuwa kale ee badan ee daryeela dadka khamrada iyo daroogooyinka isticmaal ee la taliya.

Waxa kale oo jira siyaabo lagu ogaado ama lagu kashifi karo qofka looga shakisan yahay, kaas oo aan laga helin bormashiiyadaa ee laga helo qaybta caafimaadka xaafad aad ku nooshahay.

Sidoo kale wax dhici karta in mukhadaraadka qaarkood aanay jidhika muddo badan ku sii jirin, qalabka lagu baadhaana aanay kuligood soo wada saari karin nooc uu qofku cunay sida : Amfitamiinka kaas oo aan lagu garan karin laba cisho ama saddex cisho ka dib.Laakiin xashiishadda waa la ogaan karaan qofku marka uu qaato xitaa sitimaano ka bacdi.

Dadka Helsinki iyo hareraheeda deggani waxay la xidhiidhi karaan:

  • Ururka dabar gooyinta mukhaadaraadka (Irti huumeista ry)
    - Tilifoon nambarkood:0203-22388
    - wakhtiyada ay shaqeeyaanan waa maalmaha rasmiga ah min(9 aroornimo ila 3) . iyo 6.00 da ila iyo 9.00 habeenkii.
    - Bogga internet ay ku leeyihiin na waa: www.irtihuumeista.fi
  • Waxa kale oo ay leeyihiin ambalaas u gaar ah , kaasoo ay (Huumeambulanssi)
    - Tilifoonka loo diraana waa 09-2787727.
    - Wakhtiyada ay shaqeeyaan waa Isniinta ila khamiista 5.00 galabtii ilaa 12 habeennimo. maanlinta jimcahana 6.00 galabtoo ila 12.00 habeennimo.
    - Bogga internetka waa: www.huumeambulanssi.fi
  • Waaxda daryeelka caafimaadka (Kurvin huumepoliklinikka)
    - Tilifoonka: 09- 7750500
    - Wakhti kasta ama 24 saacadood.

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?