arabia somali kurdi albania

MUKHDARAATKU WAA MAMUNUUC

Qaynuunka dalka Finland waxa lagu qaadaa qof kasta oo sameeyey ama diyaar kareeyaa maandooriye ama mukhadraatka, ama soo waarida ka ganacsada ,iibiya, beera , haysta, u qaybiya ama u wasaca kuwa kale ee qaata, ama isticmaala. Qaynuunkunu uu ciqaabayaa qof kasta oo laga helo wax ka mid ah waxyaabaha aynu soo sheegnay mid ka mid ah, kuwaas oo qofka u taxaaba jeelka. Marmarka qaarkoodna haddii dembiga lagu qabtay uu weyn yahay ama nooca mukhdaraatka lagu qabtay uu yahay mid badan ay u soo jiido xadhiga muddo dheer ah. Sidoo kale haddii ay ku cadaato inuu qofku ka iibiyo ama uu siiyo qof da' yar ah oo caruur ah iyana waa dembi weyn. Dawladaha kale ee adduunka oo dhan waxay leeyihiin qawaaniin diidan oo la dagaalanta mukhdaraatka , inkasta oo ay ku kala duwan yihiin ciqaabta lagu ciqaabo. Dawladaha qaarkood nafta ayey ka jaraan qofka lagu soo oogo ama uu ku cadaado dembigaasi. Qofka lagu qabto dembiga waxa lagu ciqaaba meesha ama wadanka uu demiga u sameeyey . Sidaas darteed haddii qof Finnish ah lagu qabto dal kale isagoo mukhdaraat gelinaaya ama ku iibnaaya. Jinsiyadda ama baasaaboorku Finnishku waxba uma qabanayso oo laga saamiximaayo.

Degiin: Poliisku waxa ay had iyo jeer uga digaan inay qaadaan ama ay la safraan wax yaabo ama alaabo aanay garanaynin cidda leh, waayo dadka mukhdaraatka ka baaca mushtareeya yaa jecel inay had iyo jee ka faa'iidaystaan dadka aan waxba ogayn iyagoo ka codsanaaya inay u dhaafiyaan alaabadooda xuduudadda. Ka dibna qofka ay dhibaatadu soo gaadhaa waayo hadba waa qofka lagu qabto oo qudha , mana fudud sida loo helo wax u marxaati fura in aanu lahayn ee loo soo dhiibtay , waayo qofna ma rabo inuu mushkilad isu soo jiido. Dembiile: qofka mukhadraat awgeed lagu helo dembiyo waawyen waxa lagu qoraa buugga dembiilayaasha ,oo aan laga baabiin karin mararka qaarkood 20 sano ama ila uu ka dimto.

Heshiiso caalami ah: Adduun weynaha waxa u yaala heeshiis ku saabsan la dagaalanka mukhdaraatka , kaas oo ay soo saartay jimciyada qurumaha ka dhexaysa, kaas oo mamnuucaaya wax soo saarka mukhdaraatka haba yaraatee, ila wixii kolka ujeedo cilmi ah ama caafimaad looga dan leeyahay mooyaane. Finlandna waa xubin ka mid ah kuwa ku jira ama galay heshiisyadaas, kuwaas oo assaas u ha saddex heshiis ee laysu waafaqay. Sidoo kale waa heshiis ay ka simanyihiin dawladaha midowga reer Yrub iyo adduunyada inteeda badani.

Heshiisyadaas oo ah:

 

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?