arabia somali kurdi albania

JIDKA HAADAANTA

Sidee buu ku bilaabaa qofku mukhadaraadka Qofna kuma dhasho isagoo mudmin ku ah maandooriyaha. Ilaahayna wuxuu ina siiyey caqli aynu wax ku kala garano, noloshuna waa qaali. haddaba aabo iyo hooyo waliba waa inay u noqdaan diyaar sidii ay u caawin lahaayeen innaga iyo saaxiibadeena kale ee inagu xeeran. Meel walba waxaynu ka heli karnaa saaxiib wanaagsan ha noqto dugsiga, guriga ama bulshada kale ba. Kuwaas oo innagu hanuunin kara nool aayatiin fiican oo mustqbal leh. Laakiin waxa dhici karta inaad la kulanto qaar jidkii wanaagsanaa ka leexday,ka dibna nololshii oo dhan ba ka dhacay. Kuwaas oo ku dambeya nolol xun iyo halaag . Sida uu qofku ku bilaabaa ama uu ku noqda mudmin way fududahay mararka qarkood, waxayse u hogaamissa qofka meel aanu ka soo noqon karin iyo halaag. Waxa dhici karta inuu qofku la kulmo wax yar oo dhibaato ah ,ka dibna markuu xalin kari waayo ayaa laga yaabaa inuu is yidhaa malah maandooriyahan ayaa ku ilawsiin doona. Tusaalo ahaan: haddii uu qof dhalinyar ihi inta uu qof jeclaadu uu ku guulaysan waayo, haddii uu waayo meel uu niyeysanaayey inuu ku biiro , ha noqoto koox, jaamicad, dhibaato ka dhacda xagag qoyskiisa, dadka kale oo ay is fahmi waayaan. iwm. Dadka waaweyn laftood qaar baa nolosha ka dhaca oo noqdan mudmin, marka horena si fudud u bilaaba. Waxa qaarkood ku kalifay waxaa ka mid ah : burburka qoyska, shaqo la'aanta, xanuun iyo isku buuq.
Qof waliba way soo foodsaarta dhibaato ha yaraato ama se ha weynaatee,laakiin inuu qofku miciisadda maandooriye maaha wax xal keeni kara. Taasi ma keenayso natiijo laakiin qofka ayaa moodaayey inuu ka baxsan karaayo dhibaatada haysata haddii uu qaato mukhdaraad Waxyaabaha aynu soo sheegnay oo dhan haddii aynu isku wada duubno waxay ku abuuraan qofka qaata maandooriyaha ama mudminka noqda wax yaabaha soo socda..

  • werwer la'aan aanu waxba dan ka lahayn
  • xoriyad dheeraad ah iyo si jeclaysi iyo yaxyax la'aan
  • isu bogid uu qofku moodo inuu ku jiro nolol heer sare ah.
  • dareen la'aan aanu baxba xil iska saar.
  • is ilawsiin wixii dhibaayey aanu xusuusan doonin.
  • xumaan ka dhowrsi la'aan
  • dhayalsi uu wax walba iska hawl yaraysto.
  • dareen u jeclaysto marba inuu saaxiibo cusub sameysto
  • is ilowsiin danbiba uu ku jiro
  • isagoo ka bax nololshii hore ee uu ku noolaan jiray
  • wakhtigiisa oo bilaash ku taga oo aanu xaalayn

Mukhadaraadku qofka dhibaatadii uu tabanaayey waxay ilawsiisaa wakhti yar oo gaaban iyo intaa ay ku jirto jidkiisa, laakiin marka ay ka baxdo dhibtii halkeedii bay taagantahay. Ka dibna wuxuu bilaabay sidii uu u qaadan lahaa in kale oo ka sii badan isaga oo doonaaya inuu is ilowsiiyo mar labaad. Sidaas ayuu ku sii wada isagoo aan wax xal ah oo uu mushkiladdii haysay uu kaga gudbayna aanay jirin.
Mukhdaraadka inkasta oo aynaan ku arag suuqyada iyo dukaanadan haddana waxaan shaki ku jiran inay tahay wax maalin kasta la heli karo.
Siyaabaha laysku gaadhsiiyo waxaa ka mid ah, saaxiibada, iyo macaariifta qadata oo marka hore isku casuuma ama hadiyad isu siiya ,si aad adna dabinka u soo gashid.
dhinaca dhalinyarada marka la eego, waxa inta badan bara qaar ay moodayaan saaxiib fiican oo intuu maskaxda ka xadao doonaayeya inuu dabinka ugu soo dhaco, ama uu lacag uga helo aweegeed. kuwaas oo u baahan lacag ay ka gurtaan kuwa kale. Mukhdaraaku way shay xun oo haddii aanu qofku ka fogaan , isaga la fogaanaysay sidii uu u dayn lahaana ay adagtahay . Sida aynu soo sheegnay noocyo badan ayaa jiraa oo maandooriye ah dadkuna ma wada wada isticmaalo, laakiin marka uu qofka qaataa aanu awood u lahayn inuu joogiyo ee uu qabatimo ayuu noqda mudmin aan ka maarmi karin ee uu gaadho marxalad xun.

Marxaladdaas uu gaadhey ee idmaankuna waxay dhaxal siiyaa laba arrimood.

_ Idmaan jidhka ah oo ku soo noqnoqda qofka isticmaal haddii uu waayo ama ay jidhkiisa ka baxdo ama loo diido. Wuxuu dareemaa qofku daal, itaal darro, calool xanuun,shuban, yalaalugo, xummad, murqo xanuun,sanka iyo indhaha oo biyo ka hooraan,dhidhid, hurdo kala googo'an,wadno garaac .

Xaaladaha aynu soo sheegnay waxa dhici karta inay qofba si gaar ah u qaban karaan, waxayse ku xidhan tahay hadba nooc uu qaatay mukhdaraaka iyo muddaha uu isticmaalaayey.
Idmaanka nafta: waxa weeyey ku soo noqnoqsada uu caadeysto qaadashada maandooriya , kaa soo aanu awood u lahayn inuu joogiyo ama uu iska daayo, taaso qofka ka kaxaysa nololsha dabiiciga ah oo galisa nool khayaal ah. Markasta oo uu qofku isku da'yo inuu daayo ba wuxuu arkayaa isagii oo ku noqday oo qaatay. Waayo naftiisii ayaa baratahay oo ma joogin karo.Taas oo keentay in qofka ay dabeecadiisu is bedesho oo uu noqdo qof xanaaq badan, is rogrog badan , dagaal badan, diiqsan oo murugaysan had iyo jeer.
Inta badana taasi waxay ku abuurtaa qofka murugo iyo tiiraanyo , qofba qofka uu ka badsaday maandooriyaha ama uu muddo dheer ka istcimaal badna ayuu kaga adag yahay ka go'idiisa..

Qaadashada in kale oo siyaado ah.
Mar walba marka uu qofka isticmaala ay ka dhamaato intii hore ayuu,qaataa ama cunaa in kale oo kasii badan si aanu u dareemi jidkiisu oo aanu u dhibaatoon. Ama si uu u ilaaway mushkiladda aan xallin karayin . Taas ayaa keenta inuu marba marka ka sii dambeysa sii qaato ama uu cuno in dheeraad ah. Ila inta uu ka gaadhaayo marxalad uu adoon u noqdo maandooriyaa isagoo moodaaya inu yahay wixii ugu muhiimsanaa noloshiisa oo wixii kale oo dhamba uu iska ilaawaa, waxaanu sameeyaa wax kasta oo uu sameynkaraayo sidii uu ku heli kari lahaa.

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?