arabia somali kurdi albania

Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata

Qoys burbur: kaaso inta badan haddii uu aabaha laftiisa ama hooyada uu midkood uu qaato maandooriya..Sababtu maaha qofku waajibaadka qoyska ee uu gabay oo qudha ee wuxuu noqonayaa ceebku taal qoyska oo u soo jiida sharaf dhac.

Saaxiib la'aan: Saaxiibadiisii hore ee markii uu fiicnaa way ka faana oo way ka fogaada.. marka dambena waxa la colooba kuwii ay xitaa mukhdaraadka ku saaxiibeen, marka uu waayo lacagtii uu kaga iibsan jiray ama uu kaga bedelan jiray mukhdaraadka ama uu iska bixin kari waayo daynta badan ee lagu leeyey. sababta kale ee ay ugu sii fogaadaan waxay tahay in aan lagu arag iyaga agtooda oo aanu poliiski u ogaan dadka kale ee  ka ganacsada maandooriya. Sidoo kale dadka makhadaraatka qaataa waxaa aan loogu dul qaadan kareen urtooda ama qadhmuunkooda, timahooda way isku mulaaqan yihiin had iyo jeer oo qurux way kala tegeen.Wajigoodu wuxuu u egaadaa kuwa dilaaga ah, taasaana inta badan keenta in dadku ay waddada uga leexdaan marka ay arkaan ama ay ka ag kacan haddii ay meel sida gaadiidka oo kale guduhiisa la soo fadhiistaan.

Cudurada ku dhaca dadka mukhdaraadka qaata:
Marka hore ba qofka maandooriyaha qaataa waa qof aan caafimaad qabin oo aan maskaxiyan fayoobayn. Nafsiyadiisuna ay dhaawacan tahay. Nooc ka mid ah mukhadaraadkuna qofka meesha qudha ee markaaba la geeyaa waa cusbitaalka dadka waalan. Cilmibaadhis faro badan oo la sameeyey iyo tijaabooyin laga baaraan degey waxay cadeeyeen in mukhadaraatku qofka masxada ka dhaawacaan oo ay xusuustu ka tago oo uu noqdo wax is bedbedal badan , marna uu iska qosli karo markana uu iska ooyi karo oo aanu is kantarool kareynin.
Nooc kale oo mukhdaraatka ka mid ihina waxay dhaawacdaa maqalka , aragga , taabashada iyo dareemayaasha oo dhan. Taasoo uu qofku marar ka qaarkood uu moodo in wax kasta oo agtiisa marayaaba ay dhaqaaqayaan oo jidhkiisa wax dul yaacayaan. Markaas ayuu bilaabayaa xoqitaan oo jidhkiisa meel kasta xoqo. Mararna wuxuu isticmaala irbado iyo masaabiir si uu ugu mudmudaan jidhkooda iyagoo moodaaya inay ka soo saarayaan waxa dhex yaacaaya.
Mudminka wax lagu soo tuura baqdin uu moodaayo in meel kasta loo taagan yahay oo la eegaayo isaga oo qudha, ama raadkiisa la guraayo.
Dhibaatooyinka caafimaad darro ee ku yimaada waxaa ka mid ah cunto xumo aanu qofku gaajada dareemaynin, taaso u soo jiida dhiig la'aan , awood darro iyo quwadda difaaca jidhka oo aad isu dhinta.
Qaarkoodna wax ku dhaca madax xanuun aan kala go'ayn iyo neefta oo ku dhegta. wadnaha oo si fiican u shaqayn waaya, beerka oo nabro yeesha , caloosha oo istaagta, ama xad dhaaf u socota , taasna waxa keena caloosha gudaheeda oo nabro yeelata, hurdada oo ka xumaata, dareen qadhqadhyo ama dhidid badan, indhaha iyo sanka oo ilmada iyo duuf aanu joojin kareyni ka dareeraan.

DHIMASHO
Qaadashada maandooriya marka uu qofku ka waantoobi waayo waxa hubaal ah inuu si xun u dhimanaayo, ha dhawaato ama se ha dheeraato e. Waxa dhici karta inuu qof qaato nooc kale oo aanu garan karin khatarta uu leeyahay ama waxyaabo kale oo dheeraad ah uu ku daro isagoo u maleynaaya inuu kaga sii mafsuudaysaa ,taas ayaa u  noqon karta sabab ku keeni kartaa ayaandarro weyn oo uu halkaas naftiisa ku waayo oo uu dhinto.
Qaarkoona marka ay noloshu meel xun la marto ee ay qayrkood ka hadhaan ayey gacantood is kaga manna qaataan oo ay is dilaan. Qaarkood waxa ayaa u khaakhaayira oo waxay moodaan inay duuli karayaan, markaasay inta ay meel dheer koraan iska soo tuuraan. Ama waxay moodaan inay awood leeyihiin ay ku joojin karayaan tareenka socda, markaasay isku tuuraan iyo wax yaabo kale oo la mid ah sida ay sheegaan dad meel ah qaarkood qoob joog ahaa.

Sida aynu horeba u soo sheegnay dadka isticmaala maandooriya qaarkood waxa ay isticmaalaan oo ay isku mudaan irbado ay xidhidhada iska mudaan. Irbadahaas oo ay inta badan kala bedesha oo uu kolba mid isku mudo. Taasina sida aynu ogsoon nahay waxay keentaa inay mid ka mid ah oo qabo cudurka xun ee AIDSKU ama cudurada beerka ee la kala qaado ee khatarta aha.

Waxa uu dhibaato kuu soo jiido
Dhibaatooyinka kale ee soo gaadha waxa ka mid ah isagoo qofku waaya wax wal oo uu xaq u laha , sida baasaaboorka , liisanka gaadhiga haddii lagu qabto isagoo gaadhi wada. Haddii maxkamadi ku socotana waxay laga yaabaa in laga mamnuuco oo layska hortaag inuu dhoofi karo dan kasta oo muhiim ah oo uu leeyahay.

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?