arabia somali kurdi albania

DAMBIYADA LA XIDHIIDHA

Mukhdaraadka ama maandooriyaha qiimihiisu aad buu qaali u yahay, lacagta uu ku khrash gareeyo qofka mudminka noqdaana waa mid aan qiyaas lahayn oo si korodha marba marka ka sii dambeysa ee uu sii muquurto dunida maandooriyaasha. Lacag kasta oo la siiyaa ma kafayso kumana filaato, taas oo laga yaaabo inay ku kalifo inuu bilaabo qofka maandoorihaya isticmaalaa inuu gurigooda ama kiisa hadba waxaa qiimaha leh ee yaala uu hoosta ka guro si uu u sii iibsado. Marka uu ogaado inuu qoyskii dareemay ayuu bilaaba inuu suuqa iyo wadooyinka dadka u buubo oo uu dhaco. Taas oo ka dib uu si fudud u geli karoo dambiyo kale oo ka sii waaweyn. ka dibna uu si fudud ugu dhici karo gacanta boliiska oo la yaabo inuu dabeedna u ku dambeeyo jeelka.
Qofka mudminka ku noqda mukhadaraadka waxa si fiican uga faa'iidaysta kuwa ka ganacsada, kuwaas oo had iyo jeer ku sii qaali gareeya qiima, kuna kalifay inay isku da'yaan si kasta oo ay lacag ku soo heli karaanba inay sameeyaan . Mararka qaarkood waxay u dirtaan hawlo laga yaabo inay naftood ku waayaan, iyagoo ku hungureenaaya markaad waxaa soo qabatid yaan ku sii doono in bilaash ah oo aad isticmaasho. Naagaha maandooriyaa qaatana waxa ku ka lifaan inay soo dhilaystaan ama ay jidhkooda soo iibsadaan si ay u soo helan lacag ay ku iibsadaan maandooriyaha.

Maandooriyaha marka uu qofku ka waantoobi waayo, waxaa hubaal ah inuu meel qofku xun ku dambeyn doono.

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?