arabia somali kurdi albania

WAXYAABAHA WERWER KEENI KAR

Haddii uu waalidku arko wax werwer leh gelin waa inuu si dhakhso ah uu isugu dayaa inuu wax ka qabto arrintaas. Haddii dabeecada ilmuhu is bedesho :

  • haddii aad ka dareento caajsi faro badan, daal, niyad jab ama xarakad saa'iid ah oo aan dabiici ahayn, ama hurdo badan oo xad lahayn.
  • xaditaan iyo hoos ka gur aad ku tuhunto.
  • buda isha oo is bedesha oo balaadhata haddii uu qaato Amfetmiin ama yaraata haddii uu qaato heroin.
  • ama indhaha oo casaan noqda iyo jidhka oo uu meelaha qaarkood  u xoqxoqo, gaar ahaan san, waayo maandooriyuu qofka waxay ka dhigaa wax xasaasi ah.
  • haddii aad ur qadhmuun ka uriso timihiisa , jidhkiisa ama dharkiisa .
  • cunto xumo, miisaankiisa oo aad u dhaca, macmacaanka iyo sharaabka uu oo badsado, taas oo ay keeni karta afka iyo carrabka oo qalala awgeed.
  • dugsiga oo uu googooyo , duruusta oo uu ku dadaali waayo, wax barashadiisa oo hoos u dhacda.
  • haddii uu suuqwareegiisu bato ama aad ku aragtid markasta saaxiibo cusub.
  • haddii ay badato lacag weysiisadkiisu ama aad guriga ka weydo waxyaabo qiimo leh oo laga xado.
  • haddii aad guriga ku aragtid dawooyin iyo wax yaalo aanad hore ugu arki jirin, sida waraaqaha lagu duubo xashiishad iyo miisaano ama irbado
  • haddii aad ku aragto cagmahiisa ama jidhkiisa meelo kale oo ay ka muuqdaa calaamado irbado uu isku muday.

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?