arabia somali kurdi albania

IDMAANKA KA DIB

Marka uu qofku nolosh ka dhaco ee ay dhandhamadii yareed la fogaato ee ay ka tuurto haadaan aan ka soo noqosho lahayn ayuu isku dayaa inuu is ilowsiiyo waxan uu ku dhex jiro. Marka uu qofku maandooriyaha isu dhiibo ka dib mnararka qaarkood waxa ku dhac niyad jab iyo tiiraanyo badan. Isla markaasba waxa laga dareemaa qaabkii uu u dhaqmi jiray oo aad isu bedela. Waxaan ka qariyaa xaaladiisa qoyskiisa iyo asxaabtiisii iyo qof kasta oo ay is yaqaaneen markii uu fiicanaa. Waano iyo wax u sheeg toona kama dhaadhcaan , cidna wax kama maqlo. wuxuu dareema cabsi iyo niyad jab , ka dibna wuxuu been badan oo u noqota wax caadi ah. Sharaftii uu lahaan jiray iyo sidii uu u soo barbaarayba wuxuu kaga tagaa meel cidla ah . Waxbarashadiisiina halkaas ayey ku baabada oo uu ku aayatiin xumaystaa. Marka uu noqdo nin qoyanin biyo iskama dhowrona wax kasta oo xumaan ah ayuu ku kacaa si uu u helo lacag uu in kale oo maandooriye ah ugu iibsado.

Is bedelaka ku dhaca qofka mudminka noqda:

  • kalsoonida oo ka lunta.
  • dadla oo aamini waayo oo ku barta beenta iyo is dhaafdaafka.
  • cuqdad uu buu ka qaadaa dadka ehelka ah iyo asxaabtiisii hore ba.
  • dadka oo dhan ayuu la coloobaa oo waxa ku abuuranta xaasidnimo.
  • nolosha oo ka hortimaada oo ku qadhaadhaata

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?